|
Gabaygani waxa
uu ka sheekaynayaa baraha kaas oo inna tusaalaynaya in uu baruhu
yahay kan tababarka siiya qof kasta oo bulshada kaga jira kaalin
weyn. waxaana gabaygan tiriyey oo noo soo diray Kayd Maxamad
Cabdalla.
Gabayada kale ee uu tiriyey
Kayd waxa ka mid ah IDIL ood
halkan ka akhrisan
karto
Allihii dunida uumee aradka meegaaray
Aasaas la'aan joojiyee udub ku taageerin
Goortuu albaabada u furay aadan soo geliye
Adhaxdiisa xaawoo ka timi oori uga yeelye
Ubadkay dhaleen baa tarmoo uunku soo badaye
Ayaantaa aqoontiyo cilmiga soo abaabula e
Urursade anfaaciga dhirtiyo ubaxa geedaaye
Aqal ay galaan bay dhisteen ilaxidh waaweyne
Eebada markii ay tunteen soo ugaadhsada e
Adhi iyo gammaan bay dhaqdeen ababna siiyeene
Iniintay ku beereen dhulkaa soo awaal baxaye
Aalaadka fudud bay barteen kuna adeegteene
Aafaadka cudur bay dawada kaga adkaadeene
Afkii lagu hadlaayey qoreen idil dhamantiiye
Alif ee (a) astaamaha ka dhige aadna loo baraye
Alfabeetadii laga abuur erayo dhaadheere
A'dii maan dhammaynine haddaan ururiyoo koobay
Barbarkeeda bii baa ku
taal ba ina waa taase
Haddii aan bayaanshoo ayana erayo soo baadho
Barashada aqoontiyo markii hor u mar loo baydhay
Badaa laga tallaabe cilmiga dunida loo baahshay
Beyjyada markii lagu qoree baalka lagu dheehay
Ee loo baraarugay aqoon barasho dheeraada
Waxa baahi loo qabay ninkii buugta dhigilaaye
Ee barbaarta soo ururinlaa kii wax baranlaaye
Ee baaqa dheerayn lahaa hawlna bogan laaye
Bulshadii markay kulantayee beeshi soo ururtay
Baashii aqoontaa la helay biligu saaraaye
Haddii aan bayaanshoo ninkaa beydka ku caddeeyo
Boqolkiiba boqol waxa la yidhi baraha weeyaane
Basadiyo qofkii laga
qabsado badaxa baashiisa
Ama biixiyuu kala jabaan bawdo kala duusho
Bogga iyo calooshiyo ninkii beerka laga maago
Kii bilicsanaayee indhaa baylku soconaayo
Ee ay bakooradu heshee beelis laga yaabo
Biif aan hadhayn iyo ninkii duray bestii jiifa
Uu baal ku reebee hurdada laba bogleynaaya
Intaa aan bukaan tiriyayee boogtu ololayso
Baantooda kaa garanayee barasho soo qaatay
Barta laga maraayiyo halkaa laga bogsiinaayo
Basarkiisa ruuxii tusee barayey xeeshooda
Boqolkiiba boqol waxa la yidhi baraha weenyaane
Barabarah roobkiyo
biyaa bululuqlaynaaya
Burqad xoogle daad baaxad weyn baraf dhalaalaaya
Babaydhyada qabaw iyo dabayl buufle oo socota
Beydkaynnu kaga noolahee lagu badbaadaayo
Ee lana bariistee in bada lana bacaadaayo
Balaankiisa kaa garanayee barasho soo qaatay
Barta laga maraayiyo halkaa laga binayanaayo
Basarkiisa ruuxii tusee barayey xeeshooda
Boqolkiiba boqol waxa la yidhi barah weeyaane
Baauurta yaacdiyo
kuwaa baalka laga taagay
Kuwa badaha lagu dhaafayee maalna laga buuxsho
Badeecada kuwaa lagu raree orodka bay siiya
Boholyawga daalkiyo kuwaa boodhka laga fuulo
Birta kaa yaqaanee in badan barasho soo qaatay
Barta laga maraayiyo halkaa boolka lagu taago
Basarkiisa ruuxii tusee barayey xeeshooda
Boqolkiiba boqol waxa la yidh baraha weeyaane
Buuraha ninkaa
duminayee babaca goyanaaya
Meeshii biyaa haysa iyo bohosha gaadhaaya
Baasiinta kala saarayiyo boodhka iyo ciidda
Ee badaha waaweyn ka qoda dahabka buurbuuran
Baadhaa carrada jeexayee barasho soo qaatay
Barta laga maraayiyo halkaa beebka lagu taago
Basarkiisa ruuxii tusee barayey xeeshooda
Boqolkiiba boqol waxa la yidhi baraha weeyaane
Beeraha adduunkiyo
nimcada lagu badhaadhaayo
Burka iyo galleydiyo bariis gaajo lagu beelo
Basashiyo qudaartiyo kuwaa badiya dhiiggeenna
Bacad kulul kuwaa laga galee laguna baashaalo
Beeristooda kaa garanayee barasho soo qaatay
Barta laga maraayiyo halkaas laga biyaynaayo
Basarkiisa ruuxii tusee barayey xeeshooda
Boqolkiiba boqol waxa la yidhi baraha weeyaane
Xoolaha baruur laga
jariyo hilibka buurbuuran
Buqulaha haddii loola galo caano laga buuxsho
Burcad subag ah
goortay dhalaan badhaxa reebaaya
Baadiyaa kuwaa lagu rartee orodka bay siiya
Badistooda kaa garanayee barasho soo qaatay
Barta laga maraayiyo halkaa laga biraynaayo
Basarkiisa ruuxii tusee barayey xeeshooda
Boqolkiiba boqol waxa la yidhi baraha weeyaane
Bedladaa dharkaan
qaadanee bilicda rooneeya
Buushkaynnu xidhaniyo kabaa boqonka dhawraaya
Baaruudda qiiqdiyo hubkaa cadawga kaa baaja
Bidhaamaa iftiimiyo nalkaa beledka nuuraaya
Kuwa soo bandhigayee yaqaan barasho dheeraada
Basarkooda ruuxii tusee barayey xeeshooda
Boqolkiiba boqol waxa la yidhi baraha weeyaane
Badhaadhaha adduunkiyo
nimcada lagu barwaaqoobay
Barashada aqoontaa dhashoo loo baraarugaye
Barahaa ku hawshoonayee dhigaya baabkeeda
Barbarrada haddaan lagaga jirin hawsha lala baacin
Bulshadiisu taageerinoo baasha laga joogin
Inay baaqanaysaa dhaboo baylaha ay tahaye
Barbarkaaga qabo ruuxwalow baadi yay noqonne.
W axaa
la curiyey sannadkii 1989kii - Lafoole. |