|
Aniga
oo ah Suleiman Muuse Elmi Yoonis oo ku nool Norway, kana
mid ah masuuliyiinta IQRA Norway, marka hore waan idin
salaamay: Assalaamu Calaykum wa raxmatullaahi wa
barakaatu.
Intaa ka dib, dhamaan taageerayaasha ururka samafalka ee
READ/IQRA, waxaan idin leeyahey
Ciid mubaarag iyo sannad cusub oo
barakaysan, aniga oo idiinku hanbalyeynaya
munaasabada CIIDUL Fitriga. Waxaan sidoo kale, dhamaan
muslimiinta caalamka ku nool u rajeynayaan iney farax ku
ciidaan.
Dhamaan taagaarayaasha Ururka IQRA/READ,
waxaan u soo jeedinayaa, oo aan xasuusinayaa,
kuna boorinayaa qodobadan hoos ku qoran oo ku qotoma
waajibka wayn ee inna saaran:
- Dhamaanteen inuu xil wayni inna
saaran yahey, hase yeeshee aynaan wali gaadhin
himiladeennii iyo hadafkeennii.
- In aan aaminsanaano waxaan bixineyno
iyo meesha lagu bixinayo, islamarkaana aynu la nimaad
naf iyo maal hurid.
- IN AAN KALA DANBEYN YEELANO, oo aynu
ilaalinno nidaamka, maxaa yeelay waa tallaabada meel
lagu gaadhi karo, iyada oo aynu ognahay inaan marnaba
faa`ido lagala kulmi karin fowdo iyo is dhex yaac.
- In lagu kalsoonaado qofkii xil loo
dhiibto
- In la ogaado tirada iskuulada iyo
halkey ku yaalaan, oo la sameeyo kormeerro joogta ah oo
lagu ogaanayo tayada dugsiyadaasi iyo baahidooda.
- In aynu dhammaanteen is cafino,
haddii mar mar fikrado laysku maandhaafo.
- In meel looga soo wada jeesto
horumarinta deegaanada Ururka READ/IQRA uu ka hawlgalo oo
haatan ah meelo dhinac walba ka danbeeya deegaannada
kale.
- In la ogaado macallimiinta
mushaharada inta bilood ee ay helaan.
- In la isku taxalujiyo sidii loo
dabooli lahaa baahihida macallinka.
- Inuu macallinku mushaharkiisa helo
bil walba xataa muddada fasaxyada lagu jiro.
- In la raadiyo macallimiin tayo
aqooneed leh oo dhigta dugsiga dhexe ilaa ka sare cidda
ay doonnaanba ha noqdeene .
- In loogu baaqo cid walba oo innaga
mid ah oo awood u leh iney ka qayb qaadato tabarrucyada
dhaqaale ahaaneed ee hawshani u baahantahay, meel
kastaba ha joogeen dadkaasiye.
- In la kantaroolo lacagaha laga qaado
qurbo joogga ama waddannada shisheeye ee magaca IQRA
lagu bixiyo. Cidda ka masuul ah iyo waxay ku caawiyaanba.
- Inaan laga indho-laaban dhulka u
baahan in dugsiyo laga dhiso.
- In awoodda la saaro layskuna
taxallujiyo abuuridda dugsiyo farsamada qaabilsan oo
carruurteenna xilliga waxbarasho dhaaftay iyo kuwa kuwa
kaleba ka aflaxaan islamarkaana kaga raystaan shaxaadka
iyo raamsiga qaatka tuuluuyinkeenna iyo miyiyadeenna
qariyay ee hantidooda ka faromaroojiya.
Ugu danbayn, waxaan naftayda iyo idinkaba
ku waaninayaa in aan ogaanno baylahda innoo taala iyo
inaydin si toos ah ugu war haysaan geedi-socodka ururka
iyo dadaalka nafhuridda leh ee ay ku jiraan maamulka
sare ee READ/IQRA, waxaanan leeyahay ilaahay ha inna
gaadhsiiyo meesha aan hiigsanayno hana innoo suurto
geliyo xaqiijinta hadafkeennna. aamiin aamiin.
"waxad
hiigsataba maalin baad soo hirgelisaaye"
waad
mahadsantihiin.
Suleiman Muusa Elmi - IQRA-Norway
|